Abdihakim Abukar . 20-01-0025 11:48 AM
Laravel waa qalab (framework) loo isticmaalo in lagu abuuro barnaamijyada internetka. Waa mid fudud oo qurux badan, isla markaana awood u leh inuu sameeyo waxyaabo badan oo kala duwan. Laravel wuxuu ku shaqeeyaa PHP, waxaana loo isticmaali karaa in lagu dhiso mashruuc yar ama weyn oo internet ah. Si aad u fahanto Laravel, kaliya waxaad u baahan tahay inaad ogaato aasaasiga PHP.
Laravel wuxuu raacayaa qaab dhismeed (MVC) oo caan ka ah barnaamijyada internetka. Qaabkan waxa uu kaa caawinayaa inaad kala saarto qaybaha barnaamijkaaga (qaybta xogta, qaybta muuqaalka, iyo qaybta maareynta), taas oo ka dhigaysa inuu noqdo mid fudud in la isku dhex shaqeeyo.
Laravel wuxuu kuu diyaariyay qalabo badan oo fudud, sida:
Routing: Habka loo maro barnaamijka (sida uu u shaqeeyo URL-ka).
ORM (Object Relational Mapping): Qalab kaaga caawiya inaad la xidhiidhid database-ka adiga oo aanan qorin SQL.
Authentication: Habka aqoonsiga isticmaalaha, oo kuu fududaaday inaad sameyso qaybaha loo baahan yahay sida login iyo register.
Laravel waa mid ammaan ah, wuxuuna ka ilaaliyaa mashruucagaaga weerarada caadiga ah ee internetka. Waxaa la sii daayay sanadkii 2011, waxaana loo sameeyay inuu noqdo khabar ka sarreeya framework-yada kale ee PHP, sida CodeIgniter.